Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Salah Kadib Fashilkii Liverpool Ee Champions League.

0
77

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga kooxda ee Mohamed Salah kaas oo uu shaki weyn soo fuulay kadib markii ay Reds ku fashilantay u soo bixista champions Legaue.

Salah ayaa afka furtay markii ay Reds ka hadhay champions League isaga oo sheegay in uu aad uga niyad jabay isla markaas u soo bixista champions League ahayd waxa ugu yar ee ay tahay in ay qabtaan.

Kadib hadalkaas waxa soo baxay warar sheegaya in uu Salah doonayo in uu isaga tago kooxda Liverpool si uu ugu biiro koox ka ciyaari doonta tartanka champions League.

Laakiin Klopp ayaa xaqiijiyay in uu Mohamed Salah sii joogi doono Liverpool oo uuna meelna uga socon kooxda Inta lagu jiro suuqa kala ii bsiga xagaaga.

Mo Salah kama tagi doono Liverpool, Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay: “Mo wuxuu jecel yahay halkan, Liverpool, hubaal”.

Haddii uu ciyaaryahan ii yimaado oo uu igu yiraahdo, ‘Uma aynaan buuxin CL, waa inaan ka tago kooxda, aniga ayaa si shaqsi ah ugu kacayn doona kooxda uu doonayo, laakiin Salah haba yaraatee ma doonayo in uu boxo”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here