Kulan Loogu Hadlayay Qorshaha Keydka Talaalka Dalka Oo Ka Furmey Magaalada Baydhabo.

0
101

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Bay waxaa ka socda shir daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay Magaalada Gaarowe kaasoo looga hadlaayay qorshaha keydka talaalka iyo fulinta qorshaha horumarineed ee joogtada ah ee talaalka.
Shirkan oo si wadajir ah ay u qabteen Wasaaradda Caafimaadka XFS,Hay’adaha WHO,UNICEF ayaa waxaa ka soo qeybgaley wakiilo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka Dowlada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkung Waliba nig haaye Bishaar Mayow Muktaar