Koox Weyn Oo Premier League Oo Dhibco Laga Jarayo

0
74

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa halis ku jirta koox weyn oo jabisay sharciga dhaqaalaha, taas oo la sheegay in ay ka mid tahay shan naadi oo la filayo in baadhitanno lgu samaynayo, isla markaan dhibco laga jari doono.

Kooxda kubadda cagta Everton oo hore loogu helay, laguna ganaaxay inay jabisay sharciga dhaqaalaha bishi March, ayaa waxa hadda ku socda baadhitaanno kale oo ay ka dhalan doonto ciqaab adag oo ah in laga jari doono dhibco, inkasta oo aan si dhab ah loo xaqiijinin waqtiga ciqaabtan la marsiin doono.

Everton ayaa lagu haystaa in saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ay diiwaangelisay khasaare weyn oo ah £372 milyan oo Gini, halka uu sharcigu dhigayo in aanay kooxna diiwaangelin karin khasaare ka badan £105 milyan oo Gini.

Kooxdan lagu naanayso Toffees ayaa waxa uu ganaaca dhibcaha laga jarayo ay waajihi doontaa haddii ay u dhacdo heerka labaad, inkasta oo kusii negaansho Premier League ahna aanay u dammaanad-qaadayn in ay ka badbaadayaan cqabtan.

Kooxaha kale ee la ganaaxi doono ayaa waxa ka mid ah Leicester City, Leeds United, Nottingham Forest, Southampton oo heerka labaad u noqotay iyo Burnley oo usoo dallacday horyaalka Premier League.

Illaa hadda lama sheegin tirada dhibcaha laga jarayo Everton, balse waxa haddii uu go’aanku soo baxo ay uga sii dari doontaa xaaladdooda maadama ay kaliya haystaan 32 dhibcood oo ay kaabiga u saaran yihiin khadka cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here