Arsenal Oo Kor U Qaaday Dadaalada Ay Ku Doonayso Saxiixa Declan Rice

0
176

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay wadahadalo ku saabsan Declan Rice la furto kooxda West Ham si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Kadib markii rajadooda horyaalku soo dhamaatay guuldaradii 3/0 ahayd ee ka soo gaadhay Brighton, Arsenal ayaa isku diyaarinaysa xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rajaynaya in uu sii wado dib u dhiska kooxda siina wado tartanka ay kooxdiisu ugu jirto koobabka.

Kooxda ka dhisan North London ayaa doonaysa in ay xoojiso khadka dhexe xiddia West Ham ee Rice ayaana ah bartilmaameedkooda 1-aad.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa kor u qaadaysa dadaalka iyo xiisaha ay u qabaan xiddiga khadka dhexe si ay u helaan saxiixiisa.

Arsenal ayaa diidan in ay bixiso lacagta 100 milayn ee ay West Ham dalbanayso laakiin waxa ay diyaar u tahay in ay wadahadalo la furto si ay uguala heshiiso saxiixa xiddiga