Victor Osimhen Oo Fariin U Diray Man United.

0
87

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Victor Osimhen ayaa diiday in uu ka hadlo wararka la xidhiidhinaya kooxda Man United kadib markii ay kooxda Napoli ku guulaystay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga oo xiiso ka helaya Red Devils ayaa wax laga waydiiyay u dhaqaaqista Old Trafford kadib markii uu Napoli ku hogaamiyay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan.

Victor Osimhen ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah waxana uu u dhaliyay kooxdiisa 27 gool waxana uu diwaan galiyay 5 caawin 34 kulan oo uu ciyaaray.

24-sano jirkaan ayaa dhaliyay 22 gool oo Serie A ah, dhanka kale, qaab ciyaareedkiisa ayaana horseeday in lala xidhiidhiyo kooxo badan oo reer yurub ah.

Manchester United ayaa si weyn loola xiriirinayaa Osimhen, iyadoo Red Devils ay isku diyaarineyso inay la saxiixato weeraryahan cusub suuqa xagaaga.

“Waan ku faraxsanahay guushan,” Osimhen ayaa u sheegay Sky Italia.

“Waan ku faraxsanahay aniga, kooxda iyo taageerayaasha, ma sugi karo inaan ku soo laabto Naples si aan ula dabaal-dago”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan joogo halkan”ayuu sii raaciyay.