Ololaha doorashada Turkiga oo maraya meel xasaasi ah

0
81

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ololaha doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamanka dalka Turkiga ayaa maraya , meel xasaasi ah iyadoona doorashadan ay ku tartamayaan madaxweyne Erdogan iyo hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Kamal Kilijdarooglu.

Doorashadan oo ah tii ugu adkeyd ee uu wajaho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa si weyn indhaha loogu wada hayaa, iyadoo la eegayo saameynta ay natiijada doorashadu ka beddeli karto siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Erdogan iyo hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ayaa ballan qaaday in ay hagaajinayaan xiriirka xiisadaha badan ay ku hareysan yihiin ee u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka.

Doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamanka dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inay dhacdo 14-ka bishan May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here