Marc Cucurella Oo Magacaabay Xididg Chelsea Ah Oo Uu Google-ka Ka Baadhay.

0
96

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Marc Cucurella ayaa sheegay in uusan gabi ahaanba ka warqabin saxiixa cusub ee kooxda Enzo Fernandez bilowgii koobka adduunka isla markaas uu adeegsaday Google-ka kadib qaab ciyaareed cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay koobkii adduunka.

Xiddiga 22 jirka ah ayaan ka qayb ahan kooxda 1-aad ee xulka qaranka Argentina ka hor koobkii adduunka waxana uu kaydka ku bilowday kulankii ugu horeeyay ee Suadi Arabia.

Laakiin waxa uu ku bilowday 6-dii kulan ee kale isaga oo door weyn ka ciyaaray ku guulaysiga xulkiisa ee koobkii adduunka.

Qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay ayaa keentay in uu noqdo xiddiga ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibisga kooxda chelsea kuna biiray maalintii ugu dambaysay suuqii January.

Cucurella oo haatan chelsea kaga garab ciyaara Fernandez Ay sheegay in uuna wax aqoon ah u lahayn saxiibkiisa cusub ka hor koobkii adduunka isla markaas uu adeegsaday Google-ka si uu wax uga ogaado.

Xiddigii hore ee Brighton Cucurella ayaa sheegay in uu kulankii Argentina u daawanayay saaxiibkiisii hore ee kooxda Brighton dartiisa markii uu arkay Fernandez.

“Waxaan jeclaa inaan daawado ciyaaraha ay asxaabtayda ciyaarayaan, sidaas darteed waxaan daawanayay Argentina Alexis dartii,” Cucurella ayaa u sheegay ESPN.

“Waxaan u maleynayaa inaan idhi, “Runtii waxaan jeclahay lambarka 24, aad ayuu u fiican yahay!” Laakiin xitaa ma aan garanayn meel uu ku ciyaaray! Waxaan ku qasbanaay inaan Google-ka ka raadiyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here