Hordhac: Man CIty Vs Burnley

0
66

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Man City ayaa la ciyaari doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona Etihad.

Man City ayaa isha ku haysa in ay gaadho Semi-final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii 5-aad oo xidhiidh ah marka ay la ciyaari doonaan Burnley.

Dhinaca kale Burnley oo uu hogaaminayo Halyeeyga Man City ee Kompany ayaa doonaya in uu kooxdiisii hore ka reebo tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Man CIty Vs Burnley

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 8:45

Garoonka Etihad Stadium

XAQOOQOOYINKA KULANKA:

Ka dib markii ay guuldarro la kulmeen kulankoodii ugu horreeyay ee FA Cup ee Burnley bishii January 1931, Manchester City ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay ka hortagto Clarets tartanka, waxaana ugu dambeysay 5-0 ay kaga badiyeen wareega afaraad ee 2018-19.

Kooxda Manchester City ayaa gaartay semi-finalka FA Cup shan ka mid ah lixdii xilli ciyaareed ee ay maamuleysay Pep Guardiola, iyagoo ku guuldareystay kaliya xilli ciyaareedkii 2017-18.

Man City ayaa noqon karta kooxdii seddexaad ee gaadha afar dhamaadka tartanka shan xilli ciyaareed oo isku xigta tan iyo markii la sameeyay kubada cagta, ka dib Manchester United (1961-62 ilaa 1965-66) iyo Arsenal (2000-01 ilaa 2004-05).

Xiddiga City Riyad Mahrez ayaa ku lug lahaa sideed gool todobadii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup, isagoo dhaliyay lix, 2 kalena caawiyay Ciyaaryahanka reer Algeria ayaa sidoo kale ku lug lahaa sideed gool sideedii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka hortagay Burnley tartamada oo dhan (7 gool, 1 caawin).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here