Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Xasuuqday Man United

0
184

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Liverpool ayaa xasuuq ayna u aabo yeelin kula kacday kooxda Man United kulan ka tirsana premier League kana dhacay garoonka Anfield.

Goolal ay dhaliyeen Gakpo (2), Nunez (2), Salah (2) iyo Roberto Firmino ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul weyn oo 7/0 ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Cody Gakpo waa ciyaaryahankii shanaad ee Liverpool ah ee goolal ka dhaliya kulamada gurigooda ee Everton iyo Manchester United hal xilli ciyaareed oo Premier League ah, waana ciyaaryahankii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo Daniel Sturridge xilli ciyaareedkii 2013-14.

2.Mohamed Salah waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Liverpool ah ee lix kulan oo xiriir ah gool ka dhaliyay Manchester United tartamada oo dhan.

3.Liverpool ayaa dhalisay mid kasta oo ka mid ah 12-kii gool ee ugu dambeeyay ee Premier League ee ay isaga horyimaadeen Man United garoonka Anfield.

4.Mohamed Salah ayaa hadda ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Liverpool ee Premier League, isagoo dhaliyay 129 gool 205 kulan oo uu saftay tartanka.

5.Cody Gakpo iyo Darwin Núñez waa labadii ciyaaryahan ee ugu horeysay ee Liverpool laba gool ka dhaliya hal kulan oo isku mid ah premier League ay la ciyaarayaan Man United tan ilaa Arthur Goddard & James Stewart bishii Febraayo 1910.

6.Liverpool ayaa gaartay guusheedii ugu weyneyd abid ee tartan rasmi ah oo ay ka gaarto Manchester United (7-0), iyadoo dhaaftay guushoodii ugu weynayd ee ay horay uga gaadhay United October 1895 kulan ka tirsanaa heerka 2-aad.

7.Manchester United ayaa la kulantay guuldaradii ugu cuslayd ee abid soo gaadha, waxaana barbar socday guuldaro 7-0 ah oo ay kala kulantay Wolves December 1931, Aston Villa December 1930 iyo Blackburn Rovers bishii April 1926.

8. Gakpo, Núñez & Salah ayaa ah seddexda ciyaaryahan ee afaraad ee taariikhda Premier League dhaliya min 2+ gool hal kulan, waana markii ugu horeysay tan iyo Cole, Yorke & Solskjaer ee Manchester United vs Nottingham Forest bishii Febraayo 1999.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here