Hordhaca:- Girona vs Barcelona Barca

0
85

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Barcelona ayaa maanta booqasho gaaban ugu tagaysa kooxda ay gobolka Catalonia wada degaaan ee Girona oo ay ku booqanayso Estadi Montilivi.

Kulankankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid xiiso leh maadaama ay Girona kubad weerar ku salaysan ciyaarto walow aysan natiijooyinkeedii ugu dambeeyay ahayn kuwo wanaagsan.

Barca ayaa doonaysa guul ay lix dhibcood hoggaanka ugaga sii qabato Real Madrid oo ay haatan saddex dhibcood ka sarreyso.

Tababaraha Girona ee Michel ayay dhaawac kaga maqnaan doonaan saddexleyda kala ah Reinier, Ibrahima Kebe iyo David Lopez.

Tababare Xavi ayaan isagu wax dhaawacyo ah ka cabanayn balse waxa markale kooxdiisa ka ganaaxan Robert Lewandowski iyo Ferran Torres labadaba.

Balde ayaa markale booska daafaca bidix kaga soo hormaraya Jordi Alba iyadoo Kounde daafaca midig dheelayo halka Busquets la nasin karo.

De Jong, Pedri iyo Gavi ayaa khadka dhexe kasoo wada muuqan kara xilli Ansu Fati doorka No.9 dheelayo iyadoo Raphinha iyo Dembele garbaha ka caawinayaan.

Shaxaha Macquulka Ah

Girona (4-2-3-1): Gazzaniga; Martinez, Hernandez, Espinosa, Gutierrez; Aleix Garcia, Romeu; Villa, Martin, Riquelme; Castellanos

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Kounde, Araujo, Christensen, Balde; Pedri, de Jong, Gavi; Dembele, Fati, Raphinha

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Alejandro Muniz

Garoonka: Estadio Montlivi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here