Dowladda Sacuudiga oo gacanta ku dhigtay Qaad dalkeeda la soo galin rabay

0
260

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dowladda Sacuudiga ayaa shaacisay inay qabteen illaa 30 tan oo qaad ah bishan, ka hor inta aan laga soo gudbin xuduudka koonfureed ee Yemen iyo xudduudda waqooyi ee Urdun.

Wakaaladda wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa afhayeenka ilaalada xudduudaha Sacuudiga, Korneel Misfer Al-Qurayni, ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada xuduudaha ee gobollada Najran, ay fashiliyeen isku day lagu doonayay in dalkaasi lagu soo galiyo 29.2 tan oo qaad ah.

Wakaaladda ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen 361 eedaysane oo qaadkaasi waday kuwaasi oo ay ku jiraan 23 Sucuudi u dhashay, 261 Yemeniyiin ah ah iyo 70 Itoobiyaan ah.