Waa Maxay Sababta Wakhtiga Dheeriga Ah Loogu Daray Kulamada Koobka Adduunka Ilaa Haatan.

0
191

Koobka Adduunka ayaa si rasmi ah u furmay, taageerayaashuna waxay dareemeen hal arrin oo ay wadaagaan dhammaan ciyaaraha ilaa hadda la ciyaaray.

Wax jira wakhti aad u badan oo lagu darayo dhamaadka qaybta hore iyo qaybta dambe sida dhacday ilaa haatan.

Isagoo sharraxaya sababta ka dambeysay daqiiqadaha dheeriga ah, garsoorihii hore iyo guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha FIFA Pierluigi Collina ayaa u sheegay suxufiyiinta:”Waxa aan horey ugu sameynay koobkii adduunka ee 2018 Waxa aan si Sax ah u xisaabinay wakhtiga dheeriga ah”.

“Waxaan qof walba u sheegnay inaysan la yaabin haddii arkaan in Wakhti aad u dheer lagu daro ayna yaabin, 8 iyo wixii ka badan”.

“Hadii ay dhacaan wax inta ay ciyaartu wa in aan ka fikirno wakhti dheeraad ah, ka waran hadii 3 gool laga dhaliyo kulanka”.

“Dabaal-dagu waxa uu qaataa hal ama 2 daqiiqo sidaas darteed waxa aan luminaynaa 5 ilaa 6 daqiiqo”.

“Waxa aan dooneyno in aan sameyno waa in aan si sax ah u xisaabino waqtiga lagu daray dhamaadka qeyb kasta”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here