Liverpool oo garoonkeeda Anfield guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Southampton

0
122

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul ay u qalantay kaga kaartay kooxda Southampton, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 6-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer Brazil ee Firmino, kaddib markii uu ka caawiyay Robertson.

Balse 9 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Southampton ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Ché Adams oo caawin ka helay saaxiibkiis James Ward-Prowse.

Daqiiqadii 21-aad Liverpool ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana u dhiibay Darwin Núñez oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Elliott.

Markale Darwin Núñez oo caawin ay kaga timid Robertson ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Liverpool, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Reds.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Southampton oo ku soo booqatay garoonka Anfield, kaddib guushan ay gaartay Reds ayaa ku jirta booska 6-aad ee dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League.