Barcelona oo guul soo laabasho ah ka soo heshay kooxda Osasuna oo ay booqatay,

0
126

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Barcelona ayaa guul soo laabasho ah ka soo heshay kooxda Osasuna oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Osasuna.

Daqiiqadii 6-aad kooxda martida loo ahaa ee Osasuna ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay ciyaaryahankooda David García, waxaana ka caawiyay Rubén García.

Barcelona ayaa daqiiqadii 31-aad noqotay 10 ciyaaryahan oo kaliya kaddib markii kaarka roosaha uu ka qaatay weeraryahankooda Robert Lewandowski.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin 48 daqiiqo marka ay dheesha mareysay ay Barcelona dhalisay goolka barabardhaca, waxaana barbaro 1-1 ah ka dhigay da’ayrkooda reer Spain ee Pedri.

Daqiiqadii 85-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta iyadoo 1-2 uu ka dhigay Raphinha, kaddib markii ay caawin qurux badan kaga timid F. De Jong.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Barcelona, kooxda Osasuna oo ay booqatay, Barca ayaa kaddib guushaan 5 dhibcood nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Spain.