Lewandowski Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Dhabta Ah Ee Ka Dambaysay Ku Biiristiisa Barcelona.

0
115

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyay in riyadiisa ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ku tahay sababta dhabta ah ee uu u doortay ku biirista kooxda Barcelona.

Lewandowski Ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku dhigaya Barcelona tan ilaa markii uu ku biiray kooxda kana tagay Bayern Munich oo uu joogay muddo 8 sano ah.

Xiddiga Rober Lewandowski oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”“Ma fileyn in taageerayaasha Barcelona ay si deg deg ah iigu heesaan Camp Nou, waxay i dareensiisay inaan halkaan joogo waqti dheer”.

“Barcelona waa kooxda haysata ciyaartoyda ugu badan ee ku guulaysta abaalmarinta Ballon d’Or, waxaana filayaa in wadada ku guulaysiga abaalarmarintu ka gaaban tahay Barcelona marka loo eego Bayern Munich”.

Hadii uu Lewandowski sii wado qaab ciyaareedka uu haatan ku jiro isla markaas kooxda kula guulaysto koobka champions League wax shaki ah kuma jiro in uu si xoogan ugu tartami doono abaalmarinta.

Xiddiga Lewandowski ayaa sidoo kale rajaynaya in uu xulka qarankiisa Poland meel fiican la gaadho koobka adduunka ka dhici doona dalka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here