Liverpool Oo Kulanka Caawa Doonaysa In Ay Ka Fogaato Rikoodhkeedii Ugu Xumaa Ee Taariikhdooda UCL.

0
129

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay iska ilaaliso rikoodhkooxdii ugu xumaa ee taariikhdooda champions League marka ay caawa marti galin doonaan Ajax.

Reds ayaa caawa marti galin doonta Ajax kulankoodii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League kadib markii ay guuldaro ku bilaabatay tartaka.

Liverpool ayaa guuldaro weyn oo 4/1 ah kala kulantay kooxda Napoli kulankii ay bilowdeen tartanka champions League.

Hadii ay Ajax garaacdo Liverpool caawa, Reds ayaa dhigaysa rikoodhkii ugu xumaa ee taariikhdeeda tartanka champions League.

Guuldaro ka soo gaadha Ajax ayaa la macno ah in ay Liverpool markii ugu horaysay taariikhdeeeda laba guuldaro ku bilaabo wareega Group-yada tartanka champions League.