Tahriibayaal ku go’doonsanaa jasiirad yar oo u dhaxeysa Giriiga iyo Turkiga oo la soo badbaadiyay.

0
191

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tahriibayaal gaaraya 38 qof oo ay ku jirto haweeney uur leh, ayaa laga helay jasiirad yar oo aan magaceeda la shaacin, oo ku taalla xadka Turkiga iyo Giriiga.

Laba iyo labaatan nin, sagaal dumar ah iyo toddobo carruur ah, ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen jasiiradda wabiga Evros, tan iyo bartamihii bishii Luulyo. Kadib markii la helay , ayaa waxaa loo qaaday dhul weynaha Giriiga.

Wasiirka socdaalka ee dalkaasi, ayaa sheegay in kooxdan ay xaaladdoodu aad u wanaagsan tahay, isla markaa haweenaydii uurka lahayd loo qaaday isbitaal, si loo siiyo daryeelka dheeraadka ee ay u baahan tahay.