38 qof oo laga helay iyagoo ku go’doonsan jasiirad yar oo u dhaxeysa Giriiga iyo Turkiga

0
122

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tahriibayaal gaaraya 38 qof oo ay ku jirto haweeney uur leh, ayaa laga helay jasiirad yar oo aan magaceeda la shaacin, oo ku taalla xadka Turkiga iyo Giriiga.

Laba iyo labaatan nin, sagaal dumar ah iyo toddobo carruur ah, ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen jasiiradda wabiga Evros, tan iyo bartamihii bishii Luulyo. Kadib markii la helay Isniintii, ayaa waxaa loo qaaday dhul weynaha Giriiga.

Wasiirka socdaalka ee dalkaasi, ayaa sheegay in kooxdan ay xaaladdoodu aad u wanaagsan tahay, isla markaa haweenaydii uurka lahayd loo qaaday isbitaal, si loo siiyo daryeelka dheeraadka ee ay u baahan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan ilmo yar, ayaa ku dhintay jasiiradda, oo ku dhow magaalada Giriigga ee Lavara, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha. Booliiska Giriiga weli ma xaqiijin arrintan.

Waxaa jiray waxoogaa hubanti la’aan ah oo la xiriirta meesha ay kusugan yihiin kooxda u baahan gargaarka, si Turkiga ama Giriiga ay ugu gurmadaan caawintooda.

Maamulka Giriigga, ayaa markii hore sheegay in dadka, oo ay booliisku ku sheegeen in dhammaantood ay yiihiin Suuriyaan – ay ku sugnaayeen dhulka Turkiga.

Ugu dambayntii waxaa laga helay meel 4km (2.4 mayl) koonfur ka xigta oo ka baxsan dhulka Giriigga oo markii hore lasoo sheegay maalmo ka hor inay kusugnaayeen. Tani waa sababta, booliiska Giriiga ay usoo jeediyeen, muhaajiriinta in aan laga helin goor hore goobtani.

Baida, oo ka mid ah haweenay qeyb ka ah kooxdani, ayaa ku tilmaantay sida loola dhaqmay inay ahayd sidii “ciyaar kubadda cagta ah oo u dhexeysa labada dhinac”, iyadoo ula jeeda dalalka Turkiga iyo Giriiga.

“Qofna nama rabo, qofna nama maqlo, ma jirto dad doonaya inay na caawiyaan,” ayay raacisay hadalkeeda..

Muhaajiriinta ayaa Giriigga ku eedeeyey inay dib ugu celiyaan badda. Wadamada Midowga Yurub, ayaa wada ajande ay ‘dib u riixayaan’ magangalyo doonka dhanka iyo badda.

Sida uu Giriiga ula dhaqmayo dadka tahriibayaasha ah ee isku dayaya inay qaaradda Yurub ka galaan Turkiga, ayaa si weyn loo baahinayey dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Qaxootiga qaar ayaa sheegay in si qasab ah loogu celiyay biyaha Turkiga. Dawladda Giriiga, ayaa had iyo jeer diidda sheegashooyinkan, waxayna ku adkaysanaysaa inay u hoggaansan tahay sharciga Yurub iyo kan caalamiga ah.

Dhacdadan ka dhacday webiga Evros “waxay muujineysaa naxariis darada iyo dibu celinta qaxootiga”, ayuu yiri Di-mitra Kalogeropoulou, agaasimaha Greece ee Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah.

Intii u dhaxaysay bilihii Janaayo iyo Juun 2022, laba boqol iyo sodoon iyo labo Suuriyaan ah, ayaa Giriigga kasoo galay dhanka badda, sida ay sheegtay hey’adda Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here