11kii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Premier League ee Todobaadkan Oo La Shaaciyay

0
141

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa xalay oo Isniin aheyd soo gabagaboobay kulamadii isbuuca labaad ee horyaalka Premier League iyadoo ay ka soo baxeen natiijooyin xiiso leh. Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Man City ayaa hogaamineysa miiska kala sareynta ka dib markii ay garaaceen Bournemouth halka Arsenal ay kaalinta labaad ku jirto ka dib markii ay 4-2 kaga  badiyeen Leicester City.

Brentford oo 4-0 ku xasuuqday Man United ayaa kaalinta 3aad ku jirta halka Tottenham oo afaraad ku jirta ay barbaro 2-2 ku qabteen Chelsea iyadoo Liverpool ay kulankii labaad oo isku xiga barbaro gashay.

Hadaba khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo saaray kooxda isbuuca:

Goolhaye wuxuu u magacaabay goolhayaha Newcastle Nick Pope kaasoo ugu yaraan shan fursadood ka beeniyay Brighton kulankii barbaraha goolal la’aanta ku dhamaaday.

Seddex daafac danbe ee todobaadkan waxay kala yihiin xiddiga Chelsea Kalidou Koulibaly oo kulankiisii ugu horeysay ee Stamford Bridge gool ku furtay islamarkaana soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, waxaa sidoo kale shaxda ku soo baxay daafaca Brentford Jansson oo jeebka ku ritay weerarka Man United oo uu ugu horeeyo Cristiano Ronaldo. Tyron Mings ayaa dhameystiraya daafacyadii dhexe ee todobaadkan ugu fiicnaa xiddiga Aston Villa ayaa kooxdiisa ka caawiyay guushii ay ka gaareen Everton.

Afarta khadka dhexe waxaa ugu horeeya xiddiga garabka ee Chelsea Reece James kaasoo qeybtii hore ee ciyaartii Tottenham aamusiyay Son Heung-min islamarkaana dhaliyay goolkii labaad ee Blues, waxaa sidoo kale shaxda ku soo baxay xiddiga Man City Kevin de Bruyne oo hormuud u ahaa guushii ay City ka gaartay Bournemouth.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here