Shaxda Ugu Qiimaha Badan Premier League Oo La Soo Saaray.

0
192

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxa todobaadkii hore bilowday xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyada oo uu bilowday dagaalka tartanka loogu jiro horyaalka Premier League.

Shabakada Transfer Market ayaa soo saaray shaxda laga sameeyay xiddigaha ugu qiimaha badan horyaalka premier League.

Shaxda waxa ku soo baxay xiddigaha suuqa kala iibsiga ka jooga lacagta ugu badan iyaga oo adeegsanaya da’da xiddigaha iyo waliba qaab ciyaareedkooda sanadkii ugu dambeeyay.

Shaxda waxa sidii caadada ahayd ku leh kooxaha Liverpool iyo Man City kuwaas oo ku leh Liverpool (5) iyo Man City (4) maadama ay xiddigaha ugu fiican u ciyaaraan iyaga.

Dhanka kale kooxaha Man United iyo West Ham ayaa shaxda ku leh min hal xiddig kuwaas oo kala ah Sancho iyo Rice.

Liverpool and Manchester City dominate the Premier League's most valuable XI