Hordhac: Man City Vs Bournemouth:

0
158

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda ku soo laabatay premier League ee Bournemouth kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League.

Man City oo guul ku bilaabatay difaacashada horyaalka premier League ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha premier League isla markaas gaadho guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah.

Dhanka kale kooxda Bournemouth oo guul gaadhay kulankeedii ugu horeeyay ee premier League markii ay ku soo laabatay Premier League ayaa doonaya in ay sii wadaan guulaha.

Kulanka: Man City Vs Bournemouth

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Etihad Staduim.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa badisay dhamaan 10-kii kulan ee ay ka hor tagtay Bournemouth premier League iyaga oo ah kooxda ay rikoodhka ugu fiican ku leedahay taariikhda premier League.

Bournemouth ayaa kaliya 8 daqiiqo hogaamisay 16-kii kulan ee ay ka hor tagtay Man City premier League intii u dhexeaysay 1987 ilaa 2020.

Kooxda Bournemouth ayaan wax guul ah ka gaadhin Man City dhamaan 16-kii kulan ee premier League ee ay ka hor tagtay Man City.

Man City ayaa laga badiyay kulanka ugu horeeya ee ay garoonkeeda ku ciyaarto premier League hal mar 22-kii sano ee ugu dambeeyay waxana uu ahaa kulankii ay guuldaro 5/3 ah kala kulantay kooxda Liecester City 2020/2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here