Saacad la sheegay in uu lahaa Hitler oo lacag badan lagu iibsaday

0
296

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Saacad la sheegay in uu lahaan jiray hoggaamiyihii Nazi-ga Jarmalka, Adolf Hitler ayaa lagu iibiyay 1.1 milyan oo doolar kaddib markii lagu xaraashay dalka Mareykanka.Saacadda oo laga iibiyay qof aan magaciisa la shaacin oo ka mid ahaa dadkii ku tartamay ayaa waxa ku xardhanaa astaanta Naasiga Jarmalka iyo xarfaha AH.

Shirkadda goobteeda lagu xaraashay ayaa sheegtay in ujeedadeedu tahay in la keydiyo isla markaana la ilaaliyo taariikhda.

Hitler ayaa hoggaaminayay Naasigii Jarmalka intii u dhaxaysay 1933 ilaa 1945.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here