Son Heung-min Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Adduunka, Mana Ahan Ronaldo & Messi.

0
302

Xiddiga Tottenham Hotspur Son Heung-min ayaa u magacaabay xiddiga PSG Neymar inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka isaga oo iska indha tiray xiddigaha Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Kylian Mbappe.

Xiddiga Son ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda qaarada Aasiya oo ku guulaysta gool dhalinta premier League kadib markii dhaliyay 23 gool.

Xiddiga ayaa haatan ku sugan dakiisa waxana uu isku diyaarinayaa fasaxa xulalka isaga ka hor tagi doona Neymar kulanka uu xulkiisu saaxiibtinimada la ciyaari doono xulka Brazi.

Son oo arintaas ka hadlaya ayaa u sheegay talkSPORT”Neymar waa ciyaaryahanka ugu fiican aduunka, waxaana qabaa inaan si adag uga shaqeynayo inaan noqdo ciyaaryahanka ugu fiican aduunka”.

Neymar ayaa u dhaliyay kooxda PSG 13 gool isla markaas caawiye ka noqday 6 kale 22 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga ayaa dhaawac ku dhibaatooday xilli ciyaareedkii dhamaaday laakiin waxa uu kooxdiisa kula guulaystay koobka horyaalka Ligue 1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here