Khatar caafimaad oo ka dhalan karta hilibka digaagga oo la dhaqo ka hor inta aan la karin

0
434

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Hay’adda heerarka cuntada dalka Ingiriiska ee magaceeda loo soo gaabiyo (FSA) ayaa muddo dheer ka digaysay in hilibka digaagga oo la dhaqo ka hor inta aan la karin ay ka dhalan karto kkatar la xiriirta bakteeriyada loo yaqaanno (campylobacter) oo ku faafta gacmaha qofka dhaqaya,maacuunta iyo dharka qofka. Balse dad badan ayaan dhag dhalaq u siinin digniinta arrintaan laga bixiyay oo howlahooda si caadi ah isaga wata.

Marka aad digaagga dhigto tubada biyaha hoosteeda oo aad ku furto biyaha, waa hubaal in firirka biyaha uu gaarayo wax walba oo yaalla aagga ku dhow tubada. Qaabkaas ayaa ah kan keenaya in bakteeriyadu faafto oo ay gaarto jirkeenna iyo alaabaha kale ee muhiimka ah ee xilligaas yaalla agagaarkeenna.

Qof kasta arrintaan kuma baraarugsana. Sida ay sheegtay hay’adda FSA, 44% dadka ku nool dalka Ingiriiska, waxay dhaqaan hilibka digaagga ka hor inta aysan karin. Sababaha ugu badan ee arrintaa dadku u sameeyaan ayaana lagu sheegay inay tahay in hilibka laga dhaqo wasakhda saaran sida dhiigga amba ay tahayba wax dadku mar walba sameyaan oo ay la qabsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here