Liverpool iyo Man United oo si xooggan ugu dagaalamaya saxiixa xiddig ka tirsan Ajax

0
342

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, Liverpool iyo Manchester United ayaa si xoogan ugu dagaalamaya saxiixa xiddiga reer Brazil iyo kooxda Ajax ee Antony.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa soo jiitay taageerayaasha ku xiran horyaalka Holland, gaar ahaan kulammadii Champions League, waxaana la filayay in kooxo badan oo waaweyn ay la socdaan xaalladiisa.

Sida laga soo xigtay wargeysyada, kooxaha Liverpool iyo United ayaa hoggaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa Antony, inkastoo ciyaaryahanka uu xiiso xoogan ka helayo Newcastle United.

Brazilian press report Antony is keen to leave Ajax amid United interest

Anthony waa inuu hadda qaataa go’aan weyn, oo ah inuu sii wado la shaqeyntiisa macalinkiisa reer Holland ee Erik ten Hag, kaasoo noqon doona tababaraha Man United xilli ciyaareedka cusub, ama uu u dhaqaaqo inuu la shaqeeyo tababaraha Jarmalka ah ee Jurgen Klopp, iyo sidoo kale koox u tartameysa koob kasta.