Liverpool oo saddex dhibcood muhiim ah ka soo heshay Southampton oo ay ku booqatay garoonka Saint Mary’s

0
370

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Liverpool ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay Southampton oo ay ku booqatay garoonka Saint Mary’s, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Southampton iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Southampton ayaa dhalisay kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 1-0 ciyaaryahakooda Nathan Redmond, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Nathan Tella.

Laakiin 27 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Minamino oo ay caawin kaga timid Diogo Jota.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-aad Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka dheesha iyada oo uu 1-2 ka dhigay daafacooda jooga dheer ee reer Cameroon Joel Matip.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonka Saint Mary’s, Reds ayaa kaddib guushan waxay soo yareysay farqiga dhibcaha ay u jirtay hoggaamiyaasha horyaalka ee Man City, waxayna hadda u jirtaa hal dhibic, iyaga oo heysta 89 dhincood, halka City ay ku hoggaamineyso 90 dhibcood.