Newcastle Oo Garaacday Arsenal Soona Afjartay Rjaada Gunners Ee Champions League.

0
348

Kooxda Newcastle United ayaa xaalka ku xumaysay kooxda Arsenal iyaga oo garaacay Gunners kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal si xun u ciyaartay waliba ay u muuqatay kuwo aan doonayn in ay guul ka gaadhaan kulanka.

Newcastle United ayaa ku fiicnayd kubad haysashada iyo waliba sidoo kale fursadaha xilli ay Arsenal u muuqatay kuwo la ciyaarayay Man City.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah laakiin Newcastle United ayaa ahayd kooxda fiican dhinac walba ciyaarta marka laga eego.

Kooxda Newcastle ayaa qaybta dambe sidoo kale ahayd kooxda fiican xilli ay Arsenal u muuqatay kuwo aan wax gool ah dhalinayn hadii ay ciyaartaan 20 saacadood.

Daqiiqadii 55-aad ayay Newcastle United dhalisay goolka 1-aad waxana si khaldan gool isaga dhaliyay daafaca dhexe ee Ben White kaas oo hogaanka u dhiibay Newcastle.

Kooxda Arsenal ayaa isla markiiba niyad jab ka muuqday iyaga oo iska dhiibay ciyaarta una muuqday kuwo aan bar-baraha doonayn.

Kooxda Newcastle ayaa dhankeeda heshay fursado badan oo ay ciyaarta ku dhalin karto goolal laakiin Goolhayaha Arsenal ayaa sameeyay babaadino cajiib ah.

Daqiiqadii 85-aad ayay Newcastle dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Guimaraes kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Newcastle dishay rajadii Arsenal ee kaalinta 4-aad ee u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.