Madaxda Caalamka Oo U Hambaliyeysay Xasan Sheekh oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

0
364

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxaa isi soo tarayaa hambalyada loo jeedinayo madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya  Xasan Shiikh Maxamuud oo labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ay u doorteen madaxweynaha 10-aad ee dalka, waxaana hambalyada qeyb ka ahaa dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo qoraal kasoo baxay loogu hambalyeeyay guushiisa.

Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa u hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxay sheegtay in dowladda UK ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congresska Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in natiijada doorashada ay tahya guul usoo hoyatay ummada Soomaaliyeed” “Dalka wuxuu u bahaan yahay dhammaantiin si aad uga wadashaqeysaan sidii looga gudbi lahaa xasiloonida darrada” ayay ku tiri barteeda Twitterka qoraal ay soo dhigtay.

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian, oo ka hadlayay doorashada Soomaaliya ayaa hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal ka soo baxay shiinaha ayaa sidoo kale la sheegay in shiinaha ay rajaynayaan in Soomaaliya horumar iyo nabad ay gaari doonto inta uu xilka haayo, una furmi doono baal cusub, sidoo kalena shiinaha ay bilaabayaan horumar balaaran oo labada dhinac ah.
Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale sheegtay in ay dooneyso in ay kala shaqeyso Soomaaliya beesha caalamka sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa qarandhiska iyo nabadda.
Dhanka kale madaxa qaybta afrika ee wasaaradda arimaha dibadda Wu Peng, ayaa sidoo kale hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka iyo sida ay Soomaalida u qabteen doorashada, isagoo sheegay in uu rajeynayo in xiriir adag uu dhexmari doono shiinaha iyo Soomaaliya.
Xasan Shiikh Maxamuud oo habeenimadii xalay loo doortay madaxweynaha 10-aad Jamhuuriyadda federalka waa markiisii labaad oo loo doortay xilka ugu sareeyo dalka, waxaana isasa soo tarayay hambalyada loo jeedinayo, Xasan Shiikh ayaa madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo kaga adkaaday 214 cod, halka uu la yimid 110 cod sida guddigu ku dhawaaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here