Kooxaha West Ham iyo Man City oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka London

0
317

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) West Ham United iyo Man City ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka London, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 2-2 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee  West Ham United.

Daqiiqadii 24-aad kooxda West Ham United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Jarrod Bowen, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Pablo Fornals.

45 daqiiqo marka ay dheesha mareysay West Ham United ayaa dhalisay gool labaad kaddib markii uu 2-0 ka dhigay ciyaarta Jarrod Bowen oo markan caawin ay kaga timid Michail Antonio.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Manchester City ayaa dhalisay gool waxaana 2-1 ka dhigay ciyaarta Jack Grealish, iyada oo caawinta goolkan uu lahaa Rodri.

69 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xiddiga kooxda West Ham United ee Vladimír Coufal ayaa iska dhaliyay gool, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay barbardhac 2-2 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 2-2 ay ku kala baxeen labada kooxood West Ham United iyo Manchester City, City ayaa ku hoggaamineysa horyaalka Premier League 90 dhibcood.