Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou ugu awood sheegatay kooxda Celta Vigo

0
182

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ugu awood sheegatay kooxda Celta Vigo, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 30-aad Barcelona ayaa dhalisay gool waxaana hoggaanka u dhiibay oo ciyaarta 1-0 ka dhigay laacibkooda Memphis Depay, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Ousmane Dembélé.

Aubameyang ayaa 41 daqiiqo marka ay dheesha mareysay wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

48 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Aubameyang ayaa wuxuu hoggaanka ciyaarta u dheereeyay kooxdiisa Barcelona wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

Laakiin kooxda Celta Vigo ayaa dhalisay gool daqiiqadii 50-aad waxaana 3-1 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Iago Aspas oo ay caawinta goolkan kaga timid saaxiibkiis Thiago Galhardo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Celta Vigo oo marti ugu ahayd garoonka Camp Nou, Barca oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Spain ayaa waxay leedahay 72 dhibcood.