Arsenal oo heshiis cusub ku abaal marisay Mikel Arteta

0
167

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimca ah inay qandaraaska u kordhisay tababaraha reer Spain ee Mikel Arteta.

Arsenal ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku shaacisay in Mikel Arteta uu saxiixay heshiis cusub oo gaaraya illaa xilli ciyaareedka 2024/2025.

Tababare Mikel Arteta ayaa kaddib heshiiskan cusub uu u saxiixay kooxda Arsenal, wuxuu ka hadlay dareenkiisa, wuxuuna yiri:

“Aad ayaan u qiireysanahay, aadna waan ugu faraxsanahay, w axaan dooneynaa inaan kooxda gaarsiino meel sare oo aan kula tartanno kuwa ugu fiican.”

“Sidaas darteed, waa inaan ka qeyb galnaa Champions League, waa inaan awoodnaa inaan horumarino kooxda, isla markaana aan horumarino ciyaartoyda, lana soo wareegno xiddigo.”

40-jirkaan u dhashay dalka Spain ayaa la wareegay kooxda reer London bishii December ee 2019-kii.

Arsenal oo uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa xili cayaareedkan natiijooyin cajiib ah ka soo saartay horyaalka Ingiriiska, waxayna qarka u saaran tahay inay u soo baxdo Champions League.

Kooxda Gunners ayaa kala horeynta horyaalka Premier League uga jirto kaalinta afaraad, waxayna ay leedahay 63-dhibcood, halka Chelsea oo saddexaad fadhida ay heysato 66-dhibcood, kooxda Tottenham Hotspur ayaa aruursatay 61-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here