Real Madrid oo iska xaadirisay finalka Champions League kaddib markii ay guul soo laabasho taariikhi ah ka gaartay Man City

0
194

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Real Madrid ayaa iska xaadirisay finalka Champions League kaddib markii ay guul soo laabasho taariikhi ah kaga gaartay Manchester City 3-1, ciyaartii lugta labaad wareega afarta ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu, waxayna Los Blancos cel-celis ahaan labada kulan ee wareegan kaga soo gudubtay 6-5.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Real Madrid iyo Manchester City ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Riyad Mahrez waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Bernardo Silva.

Laakiin daqiiqadii 90-aad Real Madrid ayaa dhalisay gool waxaaya ciyaarta barbardhac 1-1 ka dhigay Rodrygo oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Karim Benzema.

90 + 1 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Rodrygo, waxaana markaan ka caawiyay Dani Carvajal,

Ciyaarta ayaa loo baahday in la aado waqti dheeri ah, maadaama labada kulan ee wareegan cel celis ahaan ay ku dhammaatay 5-5, ciyaartii lugta hoge ayaa ku soo idlaatay 4-3 ay ku soo adkaatay Man City.

Daqiiqadii 95-aad Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay  Karim Benzema, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 3-1 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Real Madrid, kooxda Manchester City oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, kulankii lugta labaad wareega afar dhammaadka ee tartankan, Los Blancos ayaa kaddib guushaan soo laabashada ah waxay ka caawisay inay balan kaga sameysato finalka Champions League naadiga Liverpool oo xalay iska xaadirisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here