Real Madrid oo qorsheeneysa inay u dhaqaaqdo soo xero galinta xiddig dheyman ka ah kooxda Chelsea

0
420

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Sida laga soo xigtay wargeysyada, Real Madrid ayaa noqotay mid ka mid ah kooxaha ugu cad-cad ee xiiseynaya inay la saxiixdaan daafaca midig ee Chelsea ee Reyes James.

Shabakada “Goal” ayaa shaacisay in Real Madrid ay mar hore la xiriirtay shaqsiyaadka ku hareereysan xiddiga reer England ee Reyes James, si ay u ogaadaan suurtogalnimada uu ugu biiri karo garoonka Santiago Bernabéu.

Qorshaha Real Madrid ayaa ah inay la soo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka England Reyes James suuqa kala iibsiga xagaaga ee 2023.

Shabakada ayaa waxay intaas ku dartay in inkastoo uu dhacayo qandaraaska Reyes James ee Chelsea xagaaga 2025, kooxdana ay ku adkeysaneyso inay sii heystaan ciyaaryahanka, haddana Real Madrid waxay sameyn doontaa wixii karaankeeda ah si ay ugu guuleysato adeegiisa xagaaga soo aadan.