Boqoradda heesaha aflaamta Hindiga oo cisbitaal la dhigay

0
306

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxaa cisbitaal ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya lagu dabiibayaa Lata Mangeshkar oo caan ku ah heesaha aflaamta Bollywood.

Wakaaladda wararka ee ANI ayaa sheegtay in Lata Mangeshkar oo muddo 21 cisho ah ku jirtay cisbitaalka Breach Candy uu hadda soo hagaagayo caafimaadkeeda.

Waxaa ku dhacay xanuunka Korona iyadoo la geliyay qolka bukaannada ay xaaladdoodu liidato.

Lata Mangeshkar, oo lagu tilmaamo inay tahay fannaanada ugu caansan Hindiya ayaa waxa ay fanka ku soo biirtay 1942 iyadoo xilligaa jirtay 13 sano.