Ghana Oo Laga Reebay Koobka Africa Xilli Morocco & Gabon Bar-Baro Ku Heshiiyeen.

0
190

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulka Qaranka Ghana ayaa si lama filaan ah wareega Group-yada kaga hadhay tartanka Koobka Africa kadib guuldaro lama filaan ah oo ay kala kulmeen xulka Comoros.

Kulanka ayaa ahaa mid xulka Ghana ay 10 xiddig ku dhamaysteen intii badnayd ee qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Andre Ayew daqiiqadii 25-aad.

Xulka Ghana ayaa sidaas darteed wareega Group-yada kaga hadhay koobka Africa kadib guuldaro lama filaan ah oo ay kala kulmeen kulanka markiisii ugu horaysay ciyaaraya koobka Africa.

Dhanka kale xulalka Gabon iyo Morocco ayaa ku kala baxay bar-baro 2/2 ah iyaga oo sidaas ugu soo baxay wareega xiga ee tartanka Koobka Africa kadib markii ay heleen natiijooyinka ay doonayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here