Chelsea Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig Horay Ula Soo Shaqeeyay Thomas Tuchel.

0
211

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Chelsea ayaa xiiseyneysa inay amaah kula soo wareegto daafaca dambeedka midig ee Paris Saint-Germain Layvin Kurzawa, sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa suuqa Ugu jirta badalka xiddigaha Ben Chilwell & Reece James kuwaas oo ka dhaawacmay koxoda waliba xiddiga Chilwell uu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Kooxda difaacanaysa champions League ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga Lucas Digne laakiin Xiddigaas ayaa ka doortay ku biirista Aston Villa.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Chelsea ayaa haatan xiiseyneysa inay Kurzawa ku keento heshiis amaah ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si ay ula tartansiiso xiddiga Marcos Alonso.

Xiddiga ayaa horay PSG kula soo shaqeeyay tababare Tuchel waxana ay leeyihiin xidhiidh fiican waxana uu Doonayaa in uu isaga tago kooxda PSG kadib markii uu ka baxay qorshahaha tababaraha kooxdaas.