Chelsea Oo Iska Xaadirisay Final-ka Carabao Cup-ka.

0
247

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa iska xaadirisay Final-ka Carabao cup-ka kadib markii ay garaacday kooxda Tottenham kulan ka dhacay Tottenham Staduim kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee tartanka.

Chelsea ayaa kulanka soo gashay iyaga oo faa’iido haysata kadib markii ay ka soo badiyeen Tottenham kulankii lugtii hore waliba aan cadaadis weyn saarnayn.

Dhanka kale Tottenham ayaa kulanka soo gashay iyaga oo u baahan in ay dhaliyaan 2 gool si ay u bar-bareeyaan kulanka waliba kor ugu qaadaan fursadooda.

Blues ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dilaan rajada kooxda Tottenham una diidaan in ay soo laabtaan.

Daqiiqadii 18-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana madax u dhaliyay xiddiga Antonio Rudiger kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Tottenham ayaa wax walba u samaysay sidii ay u soo laaban lahayd laakiin Blues ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda iyaga oo Tottenham u diiday in ay arkaan goolhayohooda.

Ugu dambayn waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea iska xaadirisay Final-ka tartanka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkan iyaga oo ku badiyay natiijo 3/0 ah labada kulan ee ay ciyaareen.