Ragnick Oo Xaqiijiyay Xiddig Kale Oo Man United Ah Oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Maamulka Man United.

0
487

Tababaraha Man United Ralf Ragnick ayaa xaqiijiyay in uu Goolhayaha kooxda ee Dean Henderson codsaday in uu isaga tago kooxda.

Dean Henderson ayaa waayay booskiisi xilli ciyaareedkan kadib markii uu Goolhaye Dean Henderson soo bandhigay qaab ciyaared cajiib ah xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha reer England ayaa kaliya ciyaaray 2 kulan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan taas oo keentay in uu go’aansado in uu isaga tago kooxda.

Ragnick oo la hadlaya talksport ayaa yidhi”Dean Henderson waxa uu dalbaday in uu boxo 2 todobaad ka hor, laakiin arintaas waan diiday”.

Markii la waydiiyay in uu Dean Henderson ka tagi doono kooxda ayuu sii raaciyay jawaab gaaban oo ah”Maya”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here