Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray

0
236

Kooxda Man City ayaa 10 dhibcood oo cadaan ah ku hogaaminaysa horyaalka premier League kadib kulamadii ugu dambeeyay ee la ciyaaray.

Kooxda Pep Guardiola ayaa 2/1 kaga badiyay kooxda Arsenal halka ay kooxda ku baacsanaya horyaalka ee Chelsea iyo Liverpool kulan xiiso leh ku bar-bareeyeen.

Dhanka kale Man United ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Wolves halka ay Leeds United garaacday kooxda Burnley kana fogaatay boosaska looga hadho premier League.

Brighton ayaa dhankeeda garaacday Everton halka ay Brentford guul ka gaadhay kooxda Aston Villa halka ay Tottenham daqiiqadihii ugu dambeeyay garaacday Watford ka hor inta ayna West Ham guul ka gaadhin Crystal Palace.

Kadib kulamadii todobaadkan waxa la soo saaray shaxda ugu fiican premier League toodbaadkan iyada oo la soo xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxaha Wolves, Chelsea iyo Liverpiol ayaa shaxda ku leh min laba xiddig halka kooxaha Man City, Tottenham, Brighton, Brentford iyo West Ham shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.