Ralf Rangnick Oo Maamulka Man United U Sheegay In Ay Kooxda Keenaan Xiddig Ku Dhibaatoonaya Chelsea.

0
242

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa ‘aad u doonaya inuu Maamulka Man United kala hadlo saxiixa weeraryahanka Chelsea Timo Werner.

Tababaraha reer Germany ayaa Man United hogaamin doona inta ka dhiman xilli ciyaareedka ka hor inta uuna ku biirin la taliyayaasha maamulka sare ee kooxda.

Rangnick ayaa maamulka Man United kala talin doona dhanka suuqa kala iibsiga waxana uu 63 jirku haatanba u sheegay maamulka Man United in ay u keenaan xiddiga chelsea ee Timo Werner.

Timo Werner ayaa ku dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo kooxda chelsea isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Thomas Tuchel xilli ciyaareedkan.

Rangnick ayaa si fiican u garanaya xiddiga Werner maadama uu kula soo shaqeeyay kooxda RB Leipzig markii uu Tababaraha u ahaa kooxda reer Germany.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here