Ra’iisul Wsaaraha XFS oo ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah

0
208

Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah oo ka dhalatay abaaraha dalka ku sii baahaya, ka dib marki uu guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha.

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay 23 November 2021 kadib markaan dhageestay warbixintii ay soo diyaariyeen gudigii aan u magacaabay xaaladda abaaraha dalka taas oo muujisay inuu dalku ku sugan yahay xaalad adag oo ay keenen abaaruhu sidaas darted, waxaan Ku dhawaaqayaa in uu dalku galay xaalad Deg deg ah oo bini’aadanmino loona baahanyahay gurmad deg deg ah gudaha iyo dibadaba”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dunida ugu baaqay in deg deg loogu soo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.