Mason Mount Oo Doonaya In Uu Ku Biiro Koox Premier League Ah

0
331

Kubad sameeyaha Chelsea Mason Mount ayaa la in uu u furanyahay in uu ku biiro kooxda Liverpool xilli uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa Blues.

Xiddiga reer England ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican chelsea xilli ciyaareedkan sidoo kale xilli ciyaareedkii hore.

Sidaas darteed xiddiga Khadka dhexe ayaa lagu qiimeeyaa xiddiga ugu fiican kooxda Chelsea xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Star Sunday ayaa sheeganeysa in uu xiddigu doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool mustaqbalka dhaw si uu uga hoos shaqeeyo tababare Jurgen Klopp.

Xiddiga reer England Mason Mount ayaa ka mid ah xiddigaha haatan ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here