Alisson Oo Kaligiis Qabtay Shaqo Ayna Qaban Xiddigaha Kale Ee Arsenal.

0
219

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson ayaa qabtay shaqo ayna qaban xiddigaha kale ee kooxda Arsenal kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay Arsenal horyaalka premier League.

Liverpool ayaa guul 4/0 ah ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League.

Waxa kulanka laga diwaan galiyay xog la yaab leh taas oo ah in uu Alisson dhiibay baas ka badan dhamaan xiddigaha kooxda Arsenal ee ciyaaray kulanka intii uu socay.

Alisson ayaa intii ay ciyaartu socotay dhiibay 68 baas waana in ka badan xiddig kasta oo Arsenal ah kaas oo ka qayb qaatay kulankii ka dhacay Anfield.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here