Xavi Oo Barcelona La Gaadhay Guushiisii Ugu Horaysay La Liga.

0
259

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Barcelona ayaa gaadhay guushii ugu horaysay ee La Liga kadib markii uu Xavi noqday tababarohooda iyada oo waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xavi ayaa adduunka oo dhan ka yaabsaday kuna bilaabay shaxdiisa xiddigo da’yar ah oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo uu u fadhiisiyay xiddigo waaweynka ah.

Laakiin xiddigaha da’yarka ah ayaan Niyad jabin tababaraha waxana ay muujiyeen sababta uu ugu kalsoonyahay tababaruhu iyaga oo si cajiib ah u ciyaaray

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood isku ordayeen laakiin Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta iyada oo aan moodo in uu Xavi durba soo celiyay kubadii baaska ahayd ee lagu bartay Barcelona.

Daqiiqadii 48-aad ayay Barcelona rikoodhe heshay kadib markii khalad lagu galay xiddiga Mephis Depay waxana uu xiddigu u istaagay si uu isagu u laado rikoodhada.

Depay ayaa kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta kana dhigay 1/0 ay Barcelona ku hogaaminayso dhanka natiijada iyo waliba dhanka qaab ciyaareedka.

Barcelona ayaa dhanka kale samaysay fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin karaan xilli ay Espanyol kaga fiicnaayeen dhinac walba oo ciyaarta ah

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guusheedii ugu horaysay tan ilaa markii uu Xavi tababaraha u noqday kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here