Sida ay Noqon Karto Shaxda Arsenal Hadii Uu Mikel Arteta Helo Xiddigaha Uu Dalbaday Suuqa January.

0
264

Kadib markii ay suuqa galiyeen lacag ka badan kooxaha kale suuqii xagaaga, Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay hadana xoojiso kooxdeeda marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.

Kooxda Mikel Arteta ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay dib u rogeen natiijooyinkii xumaa ee ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka iyaga oo haatan ku jira kaalmaha sare ee premier League.

Arteta ayaa haatan isha ku haya in uu saxiixyo cusub sameeyo marka uu fumro suuqu si uu u dhiso koox xilli ciyaareedkan ku dhamaysan karta boosaska champions League loogu soo boxo.

Wargayska Mirror ayaa sheegay in uu Arteta maamulka Arsenal u gudbiyay liis ay ku jiraan 4 xiddig kuwaas oo uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Xiddiga kooxda Club Brugge ee Noa Lang Xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz iyo xiddigaha kooxda Real Madrid ee Luka Jovic iyo Marco Asensio ayaa ah xiddigaha uu Arteta dalbaday