Koox Ingiriiska Ah Oo Dalab Madax Wareer Ah Ka Gudbineysa Vinícius Júnior .

0
183

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Talyaaniga ayaa daboolka ka qaadaya war culus oo ku aadan mustaqbalka xiddiga Real Madrid ee Vinícius Júnior .

Lacibkaas u dhashay Brazil ayaa hishiiskiisa Real waxa uu ku siman yahay xagaaga 2024-ka

Sida bogga Clacio Mercato ee Italy ee qorayo United ayaa si fog u dooneysa laacibkaas waliba waxa ay haminayaan in suuqa jiilaalka isku dayaan saxiixiisa.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in United diyaarinayaan dalab gaaraya 96 milyan oo euro si Vinícius Júnior u helaan Jaunary .

Intaas kuma joogsan xaaladda , United waxa ay diyaar u yihiin in laacibkaas siiyaan hishiis gaaraya muddo 6 sano ah taasi oo gaareysa illaa iyo xagaaga 2028-da ayna sii dheer tahay in uu qaadanyo mushaar laba jeer ka sareeya midkiisa haatan ee Real Madrid.