Mohamed Salah Oo Cristiano Ronaldo Kaga Goolal Badan Old Trafford.

0
298

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay Reds xasuuqday kooxda Man United kana tirsanaa premier league.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa kaligiis kaga goolal Badan Cristiano Ronaldo sanadka 2021 Tartamada oo dhan kadib qaab ciyaareed heer sare oo uu soo bandhigay.

Mohamed Salah ayaa Garoonka Old Trafford kaga hor tagay Man United 3 kulan oo tartamada oo dhan ah sanadka 2021 waxana uu ku dhaliyay 6 gool.

Dhanka kale Xiddiga Cristaino Ronaldo ayaa Old Trafford ku ciyaaray sanadkan 2021 6 kulan tartamada oo dhan waxana uu ku dhaliyay kaliya 4 gool.