Real Madrid Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Valencia.

0
209

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Kooxda Valencia kulan ay Los Blancos daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta badisay.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Real Madrid maamulaysay laakiin Valencia ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo Madrid ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Qaybta hore Los Blancos ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka laakiin Valencia ayaa si fiican u difaacatay iyaga oo dhankood qaadaay weeraro halis ah.

Waxa ay laabda kooxood ku kala bexeen bar-baro 0/0 ah qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo Los Blancos ku dhibaatootay in ay daafto daafaca Kooxda Valencia.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ka dhaliyaan goolka furitaanka ciyaarta.

Laakiin Valencia ayaa daqiiqadii 66-aad kaga hor martay goolka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Hugo Duro kaas oo hogaanka u qabtay ciyaarta.

Real Madrid ayaa u muuqatay mid guuldaro kala kulmaysa ciyaarta laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay wax walba is badaleen.

Daqiiqadii 86-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ahna ee bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Vinícius jr isaga oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1.

Kooxda Real Madrid ayaa sii waday cadaadiska iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka hogaanka ciyaarta iyaga oo aan kala joojin weerarka.

Daqiiqadii 88-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul soo laabaso leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here