Nin Feeryaan ah oo isku soo sharaxay madaxweynaha dalka Philippine.

0
190

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Feeryahanka u dhashay dalka Philippine, Manny Pacquiao ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne xilli sanadka dambe lagu wado in dalkaas ay ka dhacdo doorasho.

Ninkan waxaa soo xushay garab ka tirsan xisbiga PDP-Laban ee haya talada dalkaas.
Marka laga reebo xirfaddiisa feerka, Mr Pacquiao oo 42 jir ah, waa xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Philippines.

Madaxweynaha hadda haya talada Rodrigo Duterte ayaa laga hor istaagay in mar kale uu xilka madaxtinimada isku soo sharaxo balse waxaa soo xushay garab kale si uu ugu tartamo xilka madaxweyne ku xigeenka, tallaabadan ayaa si weyn loo dhaleeceeyay, waxaana lagu tilmaamay isku day uu awoodda mar kale kula wareegi rabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here