Friday, March 29, 2024
Home Cayaaraha Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray.

Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray.

0
269

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxa xalay la ciyaaray kulamada champions league iyada oo ay ciyaareen kooxo badan lana ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh waliba lagu raaxaystay.

Kooxaha Chelsea iyo Juventus ayaa guulo ku bilowday tartanka halka ay kooxda Bayern Munich garaacday kooxda Barcelona oo garoonkeeda joogtay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii xalay.

Thomas Müller ayaa Barcelona ka dhaliyay goolal ka badan kooxaha kale tartanka champions League isaga oo 7 gool ka dhaliyay 6 kulan oo uu ka hor tagay.

Xiddigah Robert Lewandowski ayaa dhaliyay goolkiisii 112-aad ee tartamada oo dhan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka 2019/2020.

Kaliya Robert Lewandowski oo dhaliyay 21 gool, Erling Haaland (20) & Bruno Fernandes (17) Ayaa ka goolal badan Romelu Lukaku (14) kulamada waaweyn ee 2019/2020.

Édouard Mendy ayaa shabaqiisa ilaashaday 10 kulan oo ka mid ah 13 kulan oo uu ciyaaray champions league waana goolhayaha ugu yar ee sidaas sameeya.

Kooxda chelsea ayaa ah kooxda kulamada ugu badan shabaqooda ilaashaday 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda waxana ay shabaqooda ilaashadaeen 23 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here